XOG:-Yaasiin Fareey, Farxaan Qaroole iyo Kulane Jiis oo xildhibaano noqonaya iyo qorshaha Farmaajo

Madaxtooyada Soomaaliya oo diyaarisey qorshe ah in ay hesho kuraas
Madaxtooyada Soomaaliya oo diyaarisey qorshe ah in ay hesho kuraas

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xogta aan helnay ayaa ku warameysa in sanadkaan xildhibaano loo rabo Agaasimaha Kumeel gaarka Hay’ada NISA Gaashaanle sare Yaasiin C/llaahi Maxamed (Yaasiin Fareey).

Kursiga uu Cadoow Cali Gees ku fadhiyey sanado badan waxaa markaan la qorsheeyey in Yaasiin Fareey lagu soo saaro waana Hop067 oo Beesha Abgaal Waceysle Macalin Dhiblaawe ay leeyihiin.

Kursigaasi qorshaha waxa uu ahaa in wiil uu dhalay lagu fadhiisiyo Ganacsade Cadoow Cali Gees balse taajirkaasi ayaa hadda lagu qanciyey in Lacag badan Villa Soomaaliya siiso.

Hop104 waxaa mar kale loo caleemo saari doonaa Mahad Cabdalla Cawad oo kuxigeenka labaad Golaha Shacabka ah waxa beesha Dir Jufada Saleebaan Cabdalle laga dhaadhiciyey inay kursigaasi udhaafaan.

Cawad waa xubin kale oo lama taab taan u ah Nabad iyo Nolol aadna ugu dhaw Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,sidaa awgeed gor gortan kale ma geli karo.

Kursiga Ikraan Absuge gabadhii ugu yareyd Baalamaankii 10aad ayaa weyn doonta xilkeeda waxay kasoo jeedaa Beesha duduble,Jufada Maqalsame,waxa ikraan Booska ku heysta Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo maanta iskaga tanaasulay Xilkii Aqalka sare ee dhawaan dib loogu doortay.

Sidookale u jeedka Rooble ee Galmudug ayaa lagu sheegay in warqad ay ku qoran tahay seddex sarkaal oo katirsan Nabadsugida oo kala ah Yaasiin Fareey, Farxaan Qaroole iyo Kulane Jiis laga dhigo Xildhibaano, warqadaasna uu la guddoomay Qoorqoor sidookalena uu ogolaaday inuu fuliyo qorshahan cusub ee Farmaajo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarisey qorshe ah in ay hesho kuraasta shanta ah ee Golaha shacabka la shaaciyey in ay xirato oo shakhsiyaad ay wadato kusoo saarato.