Xogo deg deg ah oo naga soo gaartay xafiiska Rooble & kulan maanta ka dhacaya

MUQDISHU-AYAAMAHA-Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Warqaad ayaa sheegaya in kulan deg deg ah maanta iskugu imaanayaan Xukuumada Soomaaliya,taas oo la war geliyey Wasiirada fariina loo diray.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta la horgeynayaa qaraar raali galin loogu siinayo Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo ay Dawladda Soomaaliya u dhiibtay Dawlada Itoobiya, sannadkii 2018-kii, laguna raali gelinayo ONLF oo ay horey isla sannadkaas golaha wasiiradda Soomaaliya Urur Argagixiso u aqoonsadeen.

Halgamaa Qalbi-dhagax ayaa hadda ah shakhsi xor ah oo dib xoriyadiisa loo siiyey sanad uu xirnaa kadib, waxaana sabab u noqday sii deyntiisa isbedeladii Siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya, iyadoo meesha uu ka baxay Taliskii TPLF ee horey loogu gacan-galiyey dalkaasina xukumi jiray.

Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo ahaa sargaal Soomaaliyeed ayey dawladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya oo uu la dagaalamayey, sannadkii 2018-kii, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimi baarlamaanka Faderaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qoomameeyey tallaabadaasi la qaaday kadib markii qalbi-dhgax lasii daayey sanad uu xirnaa kadib.

Lama oga qorshaha Xukuumada Rooble ay ka leedahay Arintaan xilli bishaan bilowgeedii sidoo kale Engineer Rooble uu dib usoo celiyey xiriirkii xumaaday ee Dawlada UAE islamarkaana lacag laga xanibay Dalkaasi uu sheegay in ay qaadan karaan wakhtiga ay rabaan.