Xogta Qaraxyo Baabuur ku jira Muqdisho oo la shaaciyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Koox khubaro ah oo dhanka amaanka kala shaqeysa Qaramaada Midoobay islamarkaana uu fadhigoodu yahay xarunta Xalane ayaa shaaciyay in magaalda ay ku jiran Qaraxyo gawaari ah.

Hoos ka akhriso Farriintaan waxaa loo diray shaqaalaha UN-ka ee howlgala Muqdisho.

Waxaan helnay digniin amni oo ku saabsan shan baabuur oo looga shakisan yahay in ay is Qarxiyaan.

Goobaha ay beegsan doonnaan waxaa ka mid ah Xafiiska Raysal wasaaraha, Xafiiska Guddoomoyaha Gobolka Banaadir, SYL Hotel, Dorbin Hotel, Jazeera Hotel, Agagaarka waddada Dabka, Wasaaradda Warfaafinta , Elite Hotel, Godka Jilacoow, Xeebta Liido iyo dhammaan Baraha koontarool ee Villa Somalia iyo xarruunta NISA laga ilaaliyo.

Taariikhaha weerarka suurta galka ah wa 5, 6, 7, 8 Bishaan September 2021.

Jooji booqashada Xafiisyada Dawladda iyo Hoteelada lagu xusay maalmaha digtoonaanta.

Dhammaan Shaqaaluhu waa inay ka fogaadaan dhaqdhaqaaqa gudaha iyo hareeraha goob kasta oo mudaaharaad ka dhacayo, dhismayaasha dawladda ee aadka u dhaadheer iyo goobaha aan amniga ahayn.