Xogtii u dambeeysey ee magacaabista Golaha Wasiirda cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar cusub oo naga soo gaaray Xafiiska RW Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaya in isbadel uu ku yimid qorshe markii hore ahaa in Wasaaradaha iyo shakhsiyaadka loo magacaabayo.

Warbaahinta ayaa horey u baahisay in Wasiirka Arimaha gudaha & Dib uhehsiinta lala rabay Abshir Maxamed Bukhaari balse hadda qof kale ayaa loo badinayaa in loo magacaabi doono.

Wasiirka Arimaha gudaha & Dib uhehsiinta ayaa xogta udambeysa aan ogaanay ayaa sheegaya in loo magacaabi doono Axmed Macalin Fiqi,iyadoo ay suurta gal tahay in isbadel kale imaan karo.

Balse dad lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Fiqi uu noqonayo xilka Wasaaradaasi, iyadoo beesha habar gidir oo xukuumada ku yeelaneyso labo Wasiir maadaama ay waayeen xilka ugu sareeya Hay’adaha sare ayaa midkood Axmed Fiqi loo dhiibay.

Sidoo kale xogaha ugu dambeeya ee dhinaca Xafiiska RW Xamse aya sheegaya in Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya loo magacaabi doono Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah kabiirada Xisbiga UPD hogaanka uheysa.

Faarax oo aan kusoo laaban xildhibaanimada Federaalka dalka sanadkaan ayaa waxaa la filayaa inuu kasoo dhex muuqdo Xukuumada Soomaaliya ee cusub isagoo bahda waxbarashada ay si weyn uyaqaanaan,lagana yaabo in shaqadaan uu kasoo bixi karo.

Guuxa ugu weyn ee jira waa in loo dheg taagayo ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub oo ay qawaamuur dhowr ah kasoo dhex muuqan doonaan,iyadoo liiska la shaacin doono xilliyada soo socda.