Xogtii u dambeysay ee tirada dhimashada iyo dhawaacyada ee qaraxyadii Soobe 2

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay dhismaha wasaaradda waxbarashadda oo ku taala isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxana saacaddihii ugu dambeeyay maydad kale laga soo saaray dhismayaasha ku burburay qaraxyada.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegaysa in tirada dhimashadu, ay haatan marayso 120 qof.

Dhinaca kale waxa socda gurmad loo samaynayo dadka ay dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee Sabtidii Muqdisho ka dhacay.

Dawladda ayaa shalay magacowday Guddi heer wasiirro ah oo isku dubarida hawlaha gurmadka ee socda, waxana gudoomiye u ah wasiirka caafimaadka Dr Cali Xaaji.

Wasiirka ayaa shaaciyey xogtii u dambeysay ee tirada dhimashada iyo dhawaacyada ee qaraxyadii Sabtidii.