Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo qorigiisa wata oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.

Xubin ka tirsan Al-Shabaab
Xubin ka tirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ninkaan oo lagu Magacaabo Cusmaan Cadow Xaaji kana tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta Isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusugan Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Maamulka Koonfur Galbeed.

Cusmaan ayaa muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, wuxuuna u qaabilsanaa qeybta jabhadaha ee weerarada qorsheysan fulisa, isaga oo ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo  ka kala dhacay Gobolada Gedo, Baay iyo qeybo ka Mid ah Waddanka Kenya.

Guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa sheegey in Cusmaan Cadow uu la soo goostay Qoray AK47 iyo Booshkiisa, isla markaana muddo uu si dhuumaaleeysi ah uga Shaqeeynayay degmada Diinsoor iyo degaannada hoostaga.

Ninka kasoo goostay Al-Shabaab ee Cismaan ayaa ugu baaqay Xubnaha kale ee weli ka tirsan Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan ayna ka faa’ideystaan cafiskii ay ufidisey Dowladda Soomaaliya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Maamulka Koonfur Galbeed iska soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ka Shaqeeynayay degaannada Maamulkaas.