Xubin Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowladda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Booliska dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka ee ku sugan deegaanka Ceeldheere.

Dagaalamahan oo lagu magacaabo Calas Axmed Xirsi loona yaqaano (Careys) ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-shahaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-shabaab.

Calas Careys ayaa sheegay inuu Shabaabka uga soo baxay Arrimo isaga u gaar ah, isla markaana haatan uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee howlgalka ka wada Mudug iyo Galgaduud.

Ugu dambeyn Dagaalamahan Calas Axmed Xirsi ee isa soo dhiibay oo gacanta Ciidanka dowladda ku jira 7-maalmood ayaa sheegay in uu ka soo dagaallamay deegaano ka Tirsan Galmudug oo uu Shabaabka kala shaqeynayay.

Si kastaba Saraakiisha dowladda ayaa horey u soo bandhigay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolada dalka, halka Shabaabka dhankooda ay soo bandhigeen Ciidamo ay sheegeen inay goosteen dowladda.