Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

Xubin katirsan Al-Shabaab
Xubin katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa isku soo dhiibay mid ka mid ah Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Maxamed dDeq Cabdullaahi Maxamed (Carab) oo mudd o Saddex sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa iska soo dhiibay degmada xarardheere ee gobolka mudug, iyada oo Saraakiisha Ciidamada ay siweyn u soo dhaweeyeen.

Maxamed oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in sababta uu uga soo tegay Al-Shabaab ay tahay inay dhibaato kuhayaan Shacabka, waxaana uu ugu baaqay Dhalinyarada kale inay isaga soo baxaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ay laba jibaareen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah oo katirsan Gobolka Mudug kala wareegay Al-Shabaab.