Xubnaha xilalka ku weyn kara khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guux weyn ayaa soo baxaya saacadihii lasoo dhaafay oo ku aadan is jiid jiid mar kale soo cusboonaaday oo ku aadan khilaafka Madaxweyne farmaajo & R/wasaare Rooble.

Inkastoo wax walbo isbadeli karaan saacadaha udambeeya hadana sida la dareemayo khilaafka ayaa usii muuqda mid shaac baxiisa banaanka yimid.

Waxa la ogeyn khilaafka cusub halka uu kusii biyo shuban karo iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin in mas’uuliyiin hadda xilal haya xilak qaadis wajahi karaan.

Hadal heynta soo baxeysa waxaa ka mid ah ee xubnaha xilalka weyn kara Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish,Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Badda General C/xamiid Maxamed Dirir.

Warar suuqa lasoo geliyey baraha bulshadana lagu faafiyey ayaa xalay jirtay oo tilmaameysay in Rooble uu diyaarsaday shakhsiyaad badel unoqon kara mas’uuliyiinta uu umaleegayo xilka qaadista.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa macquul ah in loo magacaabo General Maxamuud Koronto ama sargaal kale oo meliteriga katirsan hadii aysan wax isbadelin.

Awood muquunin ayaa bilaabaneysa oo mucaaradka uu doonayo in Madaxweyne Farmaajo ku af qabto si yoolkiisa uhirgeliyo muddo kororsiga Dalka Xukunkiisa ah sida xogo hoose oo la helay sheegayaan.