Xubno ka tirsanaa Daacish oo Muqdisho lagu toogtay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Laba ka tirsan maleeshiyada Daacish oo hore Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay dil toogasho ah ugu xukuntay ayaa goor dhaweyd ee saaka ah lagu toogtay magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida C/llaahi Buulle Kaamey.

Aadan Maxamed Cali iyo Maxamed Cali Maxamed ayaa sida maxkamadu sheegtay waxay dilay qorsheysan ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, halkaas oo ay si gooni-gooni ugu dileen shakhsiyaad isku jira rayid iyo shaqaale dowladeed.

Waa toogashadii labaad oo lagu fuliyo xubno u xirnaa dambiyada aragagixisanimada oo toddobaadkan ka dhacda fagaaraha iskuul boolisiya ee magaalada Muqdisho, waxaana Isniintii sidoo kale la toogtay Shuceyb Cabdi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Cumar oo ka tirsanaa Al-shabaab.