Xubno kamid noqonaya Golaha degaanka Baraawe oo Maanta la doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Magaalada Baraawe ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed lagu doortay lix kursi (6) oo kamid ah xildhibaanada Golaha deegaanka ee degmadaas.

Guddiga u xilsaaran doorashada ee wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay Natiijadda doorashada xildhibaanada Golaha deegaanka,

1 Rahmo Ali Sheikh waxaa la tartamay Omar Ali Siiyid Rahmo Ali Sheikh waxay Cumar kaga guuleysatay shan cod (5)

Kursiga 2-aad Waxaa ku tartamay
2. Batuulo Mohamed Siyaad iyo Roodo Abuu Nuur waxaana Batuulo ay helay shan cod (5)

3.kursiga Sedaxaad waxaa ku tartamay Mohamed Cali Yuusuf iyo Xaawo Omar Muxidiin waxaana afar cod ku guuleystay Mohamed Cali,

4,kursiga afaraad (4) waxaa ku tartamay Ibrahim Mohamed Abdukadir iyo Dek Cumar Saalax waxaana shan cod (5) ku guuleystay Dek Omar Saalax,

5,Kursiga shanaad (5) waxaa ku tartamay Cumar Sheikh Abdi guddoomiyaha Degmada iyo Aamino Mohamed Abuu waxaana shan cod (5) ku guulaystay Cumar Sheikh Abdi,

6.Kursiga shanaad (6) waxaa ku tartamay Xaliimo Mohamed Cabdulle iyo MuminaMohamed Guudle waxaana Sadax cod (3) ku guulaysatay MuminaMohamed Guudle,

7,,kursiga todobaad (7) waxaa ku tartamay Abdullahi Abdirahmaan Nuurani iyo Taaha Mohamed Aweys waxaana sadex cod (3) ku guuleystay Abdullahi Abdirahmaan Nuurani,

8,kursiga Sideeded (8) waxaa ku tartamay Najiib Mohamed Abuu iyo Mohamed Kaale Xaaji waxaana afar cod (4) ku guuleystay Najiib Mohamed Abuu,

Natiijadda wadarta guud ee Lagu guulaystay maalmihii ay soctay doorashada ayaa ah Tobon iyo afar Kursi (14), waxaana dhiman oo xiligan doorashadooda at socotaa 13 kursi.