Xubno katirsan Al-Shabaab iyo Hubkii ay wateen oo La qabtay

KISMAAYO-AYAAMAHA-Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland, ayaa soo bandhigay Hub iyo Qaraxyo ay ku soo qabteen Howlgallo ay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Jubbalad Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan waxaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, yaaq dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo uu sababay dhimasho, sida saraakiisha ay sheegayaan.

Wararka ayaa intaasi ku sii darayo in lagu burburiyay taliskii qaraxyada ee deegaanadaas ay ku lahayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

Saraakiisha howlgalkan hoggaaminayay waxey sidoo kale sheegeen iney ku dileen laba Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena lagu qabtay Afar Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo aruurinayey lacagaha ay Al-Shabaab ugu yeeraan sakawaadka, Hub iyo Gaari ay doonayeen inay u adeegsadaan Qarax ismiidaamin ah.

xubno shabaab ah iyo hubkii ay wateen oo lagu qabtay gobolka jubbada hoose.xubno shabaab ah iyo hubkii ay wateen oo lagu qabtay gobolka jubbada hoose.

xubno shabaab ah iyo hubkii ay wateen oo lagu qabtay gobolka jubbada hoose.xubno shabaab ah iyo hubkii ay wateen oo lagu qabtay gobolka jubbada hoose.