Xubno Shabaab ah oo isku soo dhiibay ciidanka NISA ee Gedo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee ka howlgalla degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandhigeen labo Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay Ciidamada iyo Maamulka degmadaasi.

Xubnaha isa soo dhiibay oo tiradooda lagu sheegay labo ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Tawane Abdi Iyo Deeqow Ibraahin Cabdale, waxeyna sheegeen iney diyaar u yihiin sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidanka dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab ka wada deegaano kamid ah gobolka Gedo.

Raggan isa soo dhiibay ayaa hore ula soo goostay laba qori AK-47 ah, sida ka muuqata sawirkan laga soo qaaday, waxeyna dadka iyo dowladdaba ka dalbadeen cafis, maadaama dhibaatooyin ay geysteen mudadii ay kooxdan u dagaalamayeen.

Taliska NISA Saldhiga Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dhalinyaradaan sababaha ay uga soo baxeen Al-Shabaab ay tahay inay dhibaatooyin farabadan ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo dhaweeynayaan cid kasta oo kasoo tageeysa.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku kordhay degaannada jubbaland iyo Koonfur Galbeed Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.