MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka toogatay rag ka tirsanaa ciidamada booliska, kuwaas oo hore loogu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dambiyo dilal ah oo ay hore u geysteen.
Raggan ayaa kala ahaa Cabdishakuur Axmed Maxamuud oo hore u dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska ay kawada tirsanaayeen iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna boliiska ahaa oo dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif.
Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka waxaa hore uga dhacay falal dil ah oo ay askarta dowladdu ugu geysteen dad rayid ah iyo askar intaba, iyada oo bilihii lasoo dhaafay maxkamadda ciidamadu xukunno dil ah ku fulisay tobannaan eedeysane oo ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Maxkamada Ciidamadda ayaa dhinaca kale digniin culus u dirtay ciidamadda oo ay uga digtay iney dil geystaan, waxaana loogu hanjabay in askarigii wax dila isna tiirka la geyn doono.
Weli waxaa dowladda Soomaaliya u xiran rag ka kala tirsan Ciidamada iyo Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay inay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho.