Xukun lagu riday Odayaashii Reer Xaaji Saleemaan ee heshiiska la galay Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Odayaasha Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee dhowaan heshiiska lasoo galay kooxda Shabaab kadib markii ay ugu tageen degmada Xarardheere, kahor inta aysan soo gelin gacanta ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaashan oo kala ah:-Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa 27-kii December ee sanadkii tegay laga soo xiray gudaha degmada Cadaado, ayaga oo markaas uun ka yimid dhinaca Xarardheere oo ah halka uu heshiiska ka dhacay.

Odoyaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Al-Shabaab oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere iyaga oo mar-marsiyo ka dhiganayo dhaqan aysan ku matalin reer ka mug wayn go’aankooda, sida lagu sheegay War kasoo baxay Maxkamadda.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay Shan Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta Boolis-ka, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.