Xukuumada cusub oo ay kasoo muuqan doonaan dad caan ah oo ay kamid yihiin Sanbaloolshe.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wadatashiyadii ugu dambeeyey ayuu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ka wadaa muqdisho iyadoo maalmaha soo socda la filayo in lasoo magacaabo golaha wasiirada.

Iyadoo si toos ah Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre uu bilaabay kulamadii ugu dambeeyey ee Xukuumada cusub kusoo dhisayo ayaa hadana waxa siyaasiyiin badan ay mashquul ku noqdeen xilal ay helaan.

Shalay ayuu helay codka kalsoonida RW Barre waxaana Wasiirada uu soo magacaabi doono ee Xukuumaddiisa la filayaa inay noqdaan ugu yaraan 30 Wasasaaradood keliya, sida ay xaqiijinayaan xogo muhiim ah.

Illaa Afar Wasaaradood ayaa warar la helay xaqiijinayaan in lagu soo kordhin doono Xukuumadda soo socota oo ay ku jiraan Wasaaradaha Deegaanka & Mida Bey’ada.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanka Xaaji)

Wasiirka Cadaalada Xasan Macalin Maxamuud.

Wasiirka Caafimaadka Maxamuud C/raxmaan Beena beene

Wasiirka arimaha gudaha & federaalka Abshir Maxamed Bukhaari

Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Prof,Maxamuud Cali Sheekh (Doodishe)

Waxa laga yaabaa in ay isbadel ku yimaado wasiiradaan magacyadooda ay Xog ahaanta ku heshay Warbaahinta Warqaad islamarkaana ay wasaaradaha qaarkood isbadel ku timaado iyo shakhsiyaadka la magacaabayo.

Sidoo kale waxaa macquul ah inuu xukuumada cusub ay kasoo muuqdaan mas’uuliyiin xilal ka heysa Dawlad gobolleedyada qaarkood sida Jubbaland iyo Galmudug..