Xukuumada Soomaaliya oo Faah-faahin ka bixisay Shirka Wadatashiga Qaran.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Maanta ka furmay Xarunta teendhada Afisiyooni ee Msgaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu oo shirka faah faahinayay ayaa sheefay in diirada lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Guddiyo ka socda Golaha wadatashiga Qaran ay la kulmi doonaan Wakiilada Beesha Caalamka, Xubno matalaya Midowga Musharrixiinta, Ururada Bulshada Rayidka si ay u dhageystaan talo soo jeedin tooda la xiriirta arrimaha doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyn Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu wuxuu sheegay in Xukuumadda iyo Golaha wadatashiga Qaran ay ka go’an tahay in laga guul gaaro doorashada, sidoo kalena lagu xaliyo hadii ay jiraan meelo lagu kala aragti duwan yahay.