Xukuumadda oo go’aan lama filaan ah kasoo saartay in Rooble la kulmayo Ahlusunna

ROOBLE safar howleed ku tagay degmada Balcad
ROOBLE safar howleed ku tagay degmada Balcad

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qorshaha Rooble aysan ku jirin in wadahadal uu la galo xoogagga Ahlu-Sunna ee dhawaan dagaalka la galay Galmudug.

Kadib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay saacadihii la soo dhaafay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, balse Xukuumadda Soomaaliya ay warkaasi beenisay.

” Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusa-mareeb kuma jirto in uu wada-hadal la galo Ahlu-sunnada
hubeysan ayuu yiri” Wasiir Alcadaala.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in qorshaha uu Rooble u tegay Dhuusamareeb uu yahay in madaxda Galmudug uu kala hadlo dedejinta doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, isla markaana uu sidoo kale tegi doono xarumaha kale ee dowlad goboleedyada dalka.

Janeraal Aadan Abshir Nuur (Laba Afle) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa maalin ka hor shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, kadib mudo 12 maalmood ah oo Ahlu-Sunna uu kula shirsanaa deegaanka Bohol, waxuuna shaaciyey in natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday wadahadalkii uu maalmahaas kula jiray Ahlu-Sunna.

Xubno kamid ah hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa ay ku sugan yihiin degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, waxaana dhawaan fashilmay wada-hadallo lagu dhex dhexaadinayay, iyaga iyo Maamulka Galmudug.