Xukuumadda oo ka jawaabatay Liiskii ay soo gudbiyeen mucaaradka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble xilsaaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka oo soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadeed iyo noocyada cabashada laga muujiyay.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in soo gaareen 67 xubnood oo ay soo gudbiyeen golaha midowga Musharixiinta iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka guddiga ayaa sheegay in la kala saarayo xubnahaas iyada oo loo marayo Habraaca heshiiskii 17 September 2020, oo dhigayay in guddiga doorashada aysan ka mid noqon Karin xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda iyo laamaha amaanka Soomaaliya.

Al Cadaalla ayaa sidoo kale sheegay sida guddigaasi u noqdo mid daah furan in sidoo kale la hubin doono aqoonta ay leeyihiin xubnaha guddiga doorashada heer Faderaal iyo heer Dowlad-goboleed, isaga oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan kalsooni.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa intaas ku daray in wasiirka 1aad ee Xukumadda uu amray in guddigaasi uu noqdo mid hufun, dhexdhexaad ah laguna aamini karo doorashooyinka dalka.

Waxa uu sheegay Al Cadaalla in guddiga uu amray Ra’iisul wasaare in qodobo dheeraad ah lagu daro qodobada lagu kala saarayo xubnaha eedaha loo soo jeediyay.

Ugu dambayn waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka xukumadda Faderaalka Soomaaliya in 12 Saac ee soo socda ay ku soo dhamaystiri doonaan shaqada loo igmaday oo ku xusan qodobka 1aad ee heshiiska ay wadagaareen madaxda dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka.