Xukuumadda Somalia oo Maamulka Galmudug kala hadashay xasilinta degaannada lagala wareegay Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb  ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dib u heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Soo dhaweynta ka dib ayaa waxaa ay labada wasiir ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlaha hoose, Dib u heshisiinta, Deegaameynta iyo xasilinta goobaha laga saaray Al-Shabaab iyo xoojinta xiriirka labada Wasaaradood.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha & Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) kaas oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada maanta uu ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi.

Dhankiisa Wasiir Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Wasiir Wayeel iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradda sida wanagsan ay usoo dhaweeyeen ,sidoo kalena ku dhiirigaliyay in ay labo jibaraan dadaalkooda shaqada.