Xukuumadda Soomaaliya oo QM kala hadashay dhaqaalaha doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arri.aha Soomaaliya Amb, James Swan.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo la xiriira horumarka dhaqaalaha dalka, sida deyn cafinta iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah miisaaniyadda dowladda, iyo maaliyadda ku baxeysa doorashada.

Wasiir Beyle ayaa uga mahad celiyay Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya doorkiisa ku aadan arrimaha ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay kamid tahay Hay’adaha bixinaya qeyb kamid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya, waxaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku cadaadineysaa in doorashada ku dhacdo waqtigeeda.