Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in uu socdo diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran

MUQDISHU-AYAAMAHA-Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono Shirka, islamarkaana inta badan Madaxda maamulada ay soo gaareen Muqdisho.

Warka xukuumadda kasoo baxay ayaa siddaan u qornaa

Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan.

Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.
Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.