Yaa baajiyay shirkii madaxda maamul-goboleedyada ee Garowe?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanay magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegaya in uu baaqday shir wada-tashi ah oo madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay u ballansanaayeen in magaaladaasi uu uga furmo maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Sebteembar.

Shirkaasi ayay madaxweyneyaasha maamul-goboleedyadu kaga arrinsadaan lahaayeen dardargelinta qabsoomiddda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda dalka, kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa BBC-da u xaqiijiyay in shirkaasi uu baaqday kaddib markii madaxweynaha Galmudug uu sidaasi dalbaday.

Shirkani oo 17-kii bishan lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay shir aaladda Zoom ay ku yeesheen madaxda maamul-goboleedyada ayaa waxaa laga reebay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, arrintaasi oo dad badan ay la xiriirinayeen go’aan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo awooddiisa fulinta looga xayuubiyay ra’iisalwasaare Rooble.

Warar ayaa sheegeya in wadahadal dhex maray madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Ra’iisalwasaare Rooble kaddib, uu Qoor-Qoor ka codsaday dhiggiisa Puntland in shirkaasi la hakiyo.

Shirkii shalay dhexmaray Qoor-Qoor iyo ra’iisalwasaare Rooble ayaa wararka qaar sheegayaan in arrintaan looga hadlay sidii lagu baajin lahaa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii isku xilqaamay xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisulwasaare Rooble, haseyeeshee waxaa jirtay aragtiyo ay qabeen siyaasiinta mucaardka ahi iyo dad ka ag dhow xafiiska ra’iisalwasaaraha oo madaxweyne Qoor-Qoor u arkayay in uu aad ugu dhow yahay madaxweyne Farmaajo.

Dedaalladaasi la doonayay in lagu soo afjaro khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha oo ay si wada jir ah u wadeen Qoor-Qoor iyo dhiggiisa Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa markii dambe guuldareystay.

Waxaana dad badan ay ka dhur sugayeen waxa ka soo bixi karaya shirkan haatan baaqday.