Yaa baajiyey Banaanbixii la filaayey inuu berri ka dhaco Muqdisho?.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shir ugu kusoo dhammaaday Hotel Afriik ee magaalada Muqdisho, Guddiga qaban qaabada banaanbaxa iyo odayaasha dhaqanka ayaa looga dhawaaqay in la baajiyey banaanbixii maalinta berri ah.

Dib u dhigida banaan baxa ayaa yimid ka dib markii Odayaasha dhaqanka ay sameeyeen dadaallo dib loogu dhigayo.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoggaaminayay qaar ka mid ah oday dhaqameedyada iyo Guddigii qaban qaabada bannaan baxa berri dhici lahaa ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaan bixii loo balansanaa.

Ugaaska ayaa ku guuleystay dadaalo uu saacadihii la soo dhaafay uu waday, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaan baxa, si aanay magaalada qalalaase ka dhasha bannaan baxa uga dhicin.