Yaa ka dambeeya kufsiga sare u kacay ee Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in “sare u kac 80% ah uu ku yimid tacaddiyada ka dhanka dumarka Soomaaliya sida kufsiga Soomaaliya, taasoo lagu tilmaamay “tiro abuurtay qeylo dhaan weyn”.

Labo wakiil oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa arrintan ku qeexay “mid argagax leh” kaddib markii xoghayaha guud loo gudbiyay labo warbixin oo dhawaan laga sameeyay Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhacyada Soomaaliya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan tacaddiyadan,” ayaa lagu yidhi bayaanka ay soo saareen Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo isku dhacyada hubeysan, Virginia Gamba iyo wakiilka qaarka ah ee qaabilsan tacaddiyada kufsiga ee ka dhaca meelaha ay colaadaha ka jiraan, Pramila Patten.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sare u kaca “naxdinta leh” ee tacaddiyada jinsiga ay sabab u tahay xaaladda amni darro ee ka jira Soomalaiya.

“Tani waxay kusoo aaday xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ku qotoma hardanka loogu jiro doorashada, isku dhacyada beelaha ee salka ku haya murannada dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada al-Shabaab, taasoo uu sidoo kale sii xoojiyay cudurka safmarka ah ee Covid-19”, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Intaas waxaa sii dheer, sida lagu xusay bayaanka, hakadka la galiyay howlihii amniga iyo caddaaladda, halka cudurka safmarka ahna uu sidoo kale kala dhantaalay howlihii waxbarashada iyo adeegsadii loo fidinayay dadka tabaaleysan.

Kiisaska kufsiga ee ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab ayaa labo jibaar noqday, sida lagu ogaaday warbixinta lasoo diyaariyay. “Taasi waxay muujineysaa in kooxda Islaamiga ah ay sii waddo tacaddiyada dhanka jinsiga ah ee la xiriira guurka khasabka ah ee ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan,” ayaa lagu yidhi.

“Xad gudubyada ay geystaan maleyshiyo beeleedyada ayaa sidoo kale gaaray ku dhawaad saddex laab sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa. Waxaa falalkaas loo adeegsaday hubka fudud.”

Inta badan kiisaska, dadka tacaddiga geystay lama yaqaanno, arrintaasina waxay meesha ka saareysaa in la ciqaabo dambiileyaasha, sida ay shegetay Qaramada Midoobay.