Yaa ka dambeeyey in Al-Shabaab ay fasaxaan gaadiidkii ku xayirnaa duleedka Baydhabo?

BAYDHABO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee caasimada kumeel gaar ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay sii deysay gaadiid xamuul ah oo todobaayadii lasoo dhaafay ku xayirnaa duleedka magaalada kadib markii ay fasaxday Shabaab.

Sababta ka dambeysay sii deysmada gaadiidkan ayaa timid kadib dadaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo wadahadal la furay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la ogeyn in gabi ahaanba ay si toos ah u fasaxday go’doominta iyo cunaqabateynta ay saareen Baydhaba iyo in gaadiidkan keliya ay fasaxeen balse Koonfur Galbeed kasoo horjeystay inay wada-xaajood la gashay kooxda Al-Shabaab sidaasna lagu sii daayey gawaaridan.

Magaalada Baydhabo ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka jirtay xaalad adag oo dhanka nolosha ah taas oo sababtay go’doominta ay Al-Shabaab galiyeen magaalada islamarkaan adkaatay in la helo raashiin qutul daruuriga ahaa.