Yaa ka dambeeyey in dib loo dhigay doorashadii maanta ka dhici laheyd Beledweyne?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan waxaa dib loo dhigay doorashada kursiga Hop63 oo qorshuhu in maanta ilaa caawa qabsoomo waxaana ku tartami doono ilaa 9 Murashax oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo 5-tii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Villa Somalia iyo Madaxweynaha K/ Galbeed ay cadaadis xoogleh saareen taliska booliska ee qaabilsan amniga doorashada si dib loogu dhigo kadib markii uu sheegay in uusan ergada ku kalsooneen Murashaxa ay wataan oo lagu magacaabo Maxamed Daahir oo walaal dhanka Hooyo la’ ah Madaxweyne Laftagareen.

Villa Somalia ayaa Murashaxaan u rabto in ay ka dhigto guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad haddii uu soo baxo waxaana la sheegayaa in ay dadaal ku bixineyso soo saarista Maxamed Daahir.