Yaa ka dambeeyey in marka Khilaafka cusub uu soo kala dhexgalo Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa soo baxay maanta khilaaf ka jira doorashada golaha shacabka xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dalka Abuukaato Mahdi Guuleed Khadar aya ku guuleystay in Guddomiye kuxigeenka guddiga doorashada heer dawlad gobolleed SEIT ee Somaliland inuu kala soo wareego garabki uu katirsana ee Cabdi Xaashi iyo dhinacyada mucaaradka.

Cabdishakur Abiib ayaa si cad u beeniyey inuu qeyb ka ahaa qoraal xalay ay faafiyen garabka Cabdi Xaashi iyagoo sheegin in 4 xubnood oo Cabdishakur uu kamid yahay ay aqbaleen go’aanka Cabdi Xaashi ee ahaa in doorashada 16-ka kursi la hakiyo.

Waxay ka dhigan tahay in Guddoonka sare ee guddiga SEIT Ee Somaliland aay hada taabacsan yihin Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federalka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuled oo ku siyaasad ah Madaxweyne Farmaajo.

Intaas kadib Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo fahamay siday wax u socdaan ayaa ku baaqey in la joojiyo doorashadda 16 kursi oo kamid ah kuwa Somaliland, taasoo ka dhacday Muqdisho kadib markii loo mari waayay hanaanka iyo habraaca lagu heshiiyay sida ku cad qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka sare.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan la shaacin karin ilaa tartanka kuraastaasi ilaa xal buuxa laga gaarayo Khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ee ku saabsan in hanaankii lagu heshiyay la hareermaray.

Sikastaba ha ahaatee khilaafkasta oo cusub oo soo kordha waxay dan u tahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Faraajo oo muddada usii dheereereynkarta.