Yaa ka dambeeyey in Wasiir Alcadaala uu u tanaasulay Xildhibaan Odowaa?

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada federalka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala ayaa ka tanaasulay u tartamida kursiga #HOP069 isagoo sheegay inuu u tanaasulay C/raxmaan Odowaa oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigan.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu C/maan Alcadaala oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay olole xoog leh ka waday magaalada Gaalkacyo ku shaaciyay tanaasulkaas.

“Waxaan halkan ugu hambalyeynayaa Adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya xildhibaanka i matali doonaafarta sano ee soo socota Inshalah,”ayuu ku yiri qoraalkiisa C/maan Alcadaala oo aan sheegin sababta rasmiga ah ee uu u tanaasulay.

Waxaana xalay saqdii dhexe uu C/raxmaan Al Cadaalla ugu dambeyn hoygiisa ugu tagay adeerkiis Xildhibaan C/raxmaan Odowaa, si uu ugu hambalyeeyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa soo dhaweeyay tanaasulka uu sameeyay wasiir Alcadaala waxana uu bartiisa ku daabacay inuu u mahadcelinayo wiilkiisa sida uu ugu tanaasulay.