Yaa ka dambeeyey khilaafka durba soo dhexgalay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed?

MUQDISHO-AYAAMHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalka Itoobiya sababo la xiriirka khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Villa Soomaaliya ayaa markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka baaqday safarkii Itoobiya ayaa baaqashada safarkaas waxay ku sheegtay in jadwalka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu buuxo, lana qaabilikarin Xasan Sheekh balse warar aan helnay ayaa sheegaya in arrinta ay sidaas ka duwan tahay.

Warar lagu kalsoonaanka oo aan helnay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed uu durba khilaaf soo kala dhexgalay, khilaafkaasna uu la xiriira tillaabooyin is xig-xigay ee uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh. Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee casuuma Madaxweynaha balse uu ka biyo diiday Xasan sheekh, in Itoobiya uu ku hormaro safarkiisii ugu horeeyey ee dalka dibadiisa uga baxo. waa tilabadii koowaad ee Abiy ka carreysiisay.

Tillaabada labaad ee Abiy Axmed uu ka carooday ayaa waxaa ay aheyd safarkii Madaxweyne xasan Sheekh uu ku aaday dalka Imaaraadka Carabta. Imaaraadka ayaa xulafo siyaasadeed la ah dowladda Masar, Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya muranka webiga Niil ee mara labada dal ee Itoobiya iyo Masar, waana arrinta labaad ee Abiy Axmed aan jacleysan.

Sidookale Khilaafka labada masuul ayaa dab kusii shiday markii dowladda Xasan Sheekh ay heshiiska Qaadka ay la gashay Kenya, sababtoo ah Itoobiya qaadka qaadka ay Soomaaliya keento waxaa kasoo gala dhaqaalo aad u farbada, waxaana istaagi doono qaadka laga keeno Itoobiya,taas bedelkeeda waxaa dalka soo geli doono jaadka Kenya oo inta badan Soomaalida ay aad u jeceshahay.

Itoobiya ayaa ciidamada ka jooga Soomaaliya waxaana la filayaa inay dib u billowdo hagar daamadii ay ku haysay Soomaaliya taas oo 5-tii sano la soo dhaafay joogsatay kadib markii Madxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heshiis la galay Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa hada qorsheynaya inuu ageedsado Maamul goboleedyada Soomaaliya iskana horkeeno Madaxda Federaalka iyo Maamulada, taas oo dhabar jab ku noqon doonta Madxweyne Xasan hadii aysan jirin qorshe lagu wajahi karo oo ku aadan dagaalka cusub ee Abiy Axmed.