Yaa ka dambeeyey khilaafka soo kala dhex-galay’ guddiga doorashooyinka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa la sheegay in uu soo kala dhex-galay khilaaf ka dhashay soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee shalay la shaaciyey, kadib qoraal ka soo baxay guddigaasi.

War qoraal ah oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga maaliyada doorashooyinka ee ( FEIT)  ayaa looga hadlay habraacyadii doorashooyinka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas ooku socotay  Madaxda wadatashiga qaranka islamarkaana lagu ogeesiiyay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal.

War-qadaan ayaa loogu soo horjeestay habraacyadii ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas oo lagu tilmaamay in aan loo marin wadadii haboonayd islamarkaana aan wax laga ogeyn shaacintooda.

Saciid Abshir oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha keenay khilaafkaasi iyo waxa ku dhaliyey inuu ka hor yimaado habraaca la soo saaray.

Sababta ayuu Saciid ku sheegay in aan weli la gaarin xilligii loogu-talagay in la shaaciyo habraaca, maadaama maamullada qaar aysan soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

“Habraaca ma diidanin balse waqtigii la shaacin lahaa lama joogo, waxa aan nahay Guddi madaxbannaan oo loo xilsaaray doorashooyinka dalka, waxa aan ku shaqeyneyno ma aha sharci qoran ama xeer doorasho oo la ansixiyay” ayuu yiri Mr. Saciid Abshir.

Sidoo kale wuxuu la yaab ku tilmaamay shaacinta habraaca doorashada oo uu sheegay in lagu soo aadiyey, xilli ay xubnaha qaar ee guddiga ku maqan yihiin maamul goboleedyada.

Khilaaf adag ayaa durba hareeyay soo saarista habraaca doorashooyinka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo u dhaxeeya xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federaal lama oga halka uu ku dambeyn doona khilaafkan soo shaac baxay balse arrintan ayaa sababi karta in ay xumaato wada-shaqeynta xubnaha gudiga doorashooyinka.