Yaa kala furfuray Mooshinkii Baarlamaanka ay ka wadeen RW Xamza?

XAMZA HOP#203

MUQDISHO AYAAMAHA Xogo la helayo ayaa tilmaamaya in madaxtooyada Soomaaliya ay ku qancisay gudoomiyaha golaha shacabka in ilaa iyo arbacada dib loo dhigo fadhiga Baarlamaanka ee  manata, taasoo uu aqbalay Sheekh Aadan Madoobe.

Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamze ayaa qabay walaac la xiriira in fadhiga maana uu ka dhalan karo mooshin ka dhan ah xukuumada, waxaana soo baxday awooda xubnaha mucaaradka ay ku leeyihiin baarlamaanka, kadib markii Sabtidii la hor-istaagay ajendihii ay xukuumada wadatay.

Ra’iisulwasaare Xamze ayaa ku dadaalayo in uu kala furfuro xildhibaanada kasoo horjeeda, taageerayaasha ayaa deegaan kasta cid looga xilsaaray.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan ayaa bilaabay lakulmida xildhibaanada qaarkood, iyadoo laga hadlayo balan-qaadyo wasiirnimo, shaqaaleysiin, safiir ama qaadashada dhaqaale.