Yaa kasoo shaqeeyey kulankii xalay Farmaajo iyo Rooble?

Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.
Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xalay xilli dambe Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed.

Kulanka ayaa waxaa ka soo Shaqeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafatagareen) waana kulankii ugu horreeysay ay yeesheen labada mas’uul kadib wada-hadalladii fashilmay ee horay u qabsoomay.

Wararka laga helayo kulankii xalay ayaa sheegaya in uu ahaa mid hordhac ah oo sallaan iyo sheekeysi ay wada qaateen labada mas’uul, iyada lagu balamay in Caawa kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kulankooda ku muujiyeen tanaasul kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in Caawa inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay uga wada haildli doonaan xal ka gaarista waxyaabihii sababay khilaafkooda, sida hoggaanka Hay’adda NISA iyo xilka Wasiirka Amniga.

Horay waxaa fashil ku dhamaaday wada-hadallo la doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo Farmaajo iyo Rooble, kaas oo uu horboodayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana raja badan laga aabaa in xal laga gaaro khilaafka Madaxda Sare ee dowladda kadib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka.