Yaa ku guuleysan doono koobka tartanka kubadda cagta Degmooyinka gobolka banaadir?

Galabta waxaa la filayaa inay garoonka Eng.yariisoow ay isku wajahaan ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka banaadir oo ay isagu soo hareen kooxaha degmooyinka deriska ah ee Cabdi casiis iyo Shangaani.

Galabta waxaa la filayaa in garoonka ay soo buuxdhaafiyaan taageerayaal farabadan maadaama garoonka uu taageerayaasha labada kooxda usahlanyahay imaatinka.

Hadii aan ku horeyna kooxda kubadda cagta Cabdicasiis waxa ay wareega afar dhamaadka ee ciyaarta kama dambeysta lagu yimaada uga soo adkaatay kooxda degmada Xamar Jajab oo ay ku kala baxeen rigoorayaal 3-I oo ay ku adkaatay kooxda Cabdicasiis.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Shingaani ayaa usoo baxday fiinaalka tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir 2020 kadib Markii ay rigoorayaal uga badisay kooxda kubadda cagta degmada Dharkeynley.

Ciyaartaan ayaa waxa xiiso uyeelayo maadaama uu ka dhaxeeyo xilfaatan adag waxaana la filayaa inay ka qeyb-galaan masuuliyiin ka tirsan gobolka banaadir dowladda federaalka iyo bahda ciyaaraha dalka.