Yaa kusoo baxay doorashada kursiga “Saddexaad iyo afaraad” ee Baydhabo ka socota?

Doorashada golaha shacabka
Doorashada golaha shacabka

BAYDHABO-AYAAMAHA-Kursiga Saddexaad ee doorashada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa goordhow lagu doortay Magalaada Baydhabo, iyada oo qorshuhu yahay in Maanta la doorto ilaa Shan Kursi.

Kursiga Hop-176 ayaa waxaa Maanta ku tartamay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow iyo Cabdixakiin Mustaf Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow oo kursigaan horay ugu fadhiyay.

Doorashada Maanta ee Kursiga HOP176 ayaa waxaa codeeynayay 100 Ergo, waxaana codadka ay u kala heleen Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley cod-26, waxaana halaabay hal Cod.

Kursiga Hop-046 oo ay horay ugu fadhisay Raabaco Sheekh Nuur ayaa waxaa Maanta ku tartamay Maxamed Wardheere Cabdi iyo Cabdulaahi Samow Cusmaan, balse waxaa ku guuleystay Maxamed Wardheere Cabdi.

Ilaa 95 Ergo ayaa codeyneysay kursigaan, waxaana codadka ay u kala heleen Maxamed Wardheere Cabdi oo kursiga ku guuleystay ayaa helay codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Samow Cusmaan uu heley 11-cod, iyada uu halaabay hal Cod.