Yaa kusoo baxay doorashada saddexda kursi ee lagu qabtay Baraawe?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka bilaabatay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaano doorashadoodu tahay Baraawe.

Doorashadan oo noqoneyso tii ugu horreysay ee deegaan doorashada labaad ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaano cusub, kadib doorasho ka dhacday Baraawe.

Kuraasta doorashada la qabtay ayaa kala ah:- Hop-165Hop-161 iyo Hop-161, kuwaas oo aan loo gelin tartan adag.

Seddexda kursi ayaa waxaa ku soo baxay:-

1-Hop-165: Waxaa kusoo baxay Saalim Aliyow Ibrow oo helay 70 cod

2-Hop-161: Waxaa kusoo baxayYuusuf Maxamed Aadan oo helay 80 cod

3-Hop-161: Waxaa kusoo baxday Maryan Maxamed Cali oo heshay 73 cod.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedka ugu horreeyey ee dhaqan-gelaya deegaan doorashada labaad, taas oo qayb ka aheyd heshiiskii lagu gaaray Muqdisho.