Yaa kusoo baxay doorashadii Aqalka sare galabta ka dhacday Jowhar

Cali Shacbaan
Cali Shacbaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-

Cali Shacbaan
Cali Shacbaan

Barlamaanka dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa Cali shacbaan Ibraahim u doortay inuu ka mid ah noqdo senatarada ka imaanaya dowlad goboleedka Hir-shabeelle ee ka mid noqoya Barlamaanka 11aad ee dalka Soomaaliya.

Doorashada uu kusoo baxay Cali shacbaan Ibraahim ayaa waxa uu kula tartamay kursiga Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, wareega 3aad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo haray Cali shacbaan iyo Cabduqaadir Xanafi.

Guddoomiyaha barlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle C/xakiin Xaaji Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada uu noqotay sidaan Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir 24 cod halka Cali shacbaan uu helay 62 Cod.

Kursigaan uu ku guuleystay galabta Cali Shabcaan ayaa ahaa kii lagu dagaalamay dhawaan ee buuqa badan hareeyey iyadoo guddiga ay ugu dambeyn kala saareen dhinacyada is hayey.