Yaa kusoo baxay labadii kursi u dambeysay ee maanta Kismaayo lagu qabtay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee maamulka Jubbaland ayaa Maana oo Isniin ah taariikhduna ku beegan yahay 21/3/2022 waxaa ay soo geba-gabeeyeen doorashada 27 Kursi ee taalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga ayaa Maanta qabtay labadii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla Kismaayo, waxaana kusoo baxay laba Xildhibaan oo Cusub kadib markii meesha laga saaray Xildhibaannadii horay ugu fadhiyay, waxaana kuraasta doorashadooda la qabtay ay kala yihiin.

1: Kursiga hop#133 oo ay ku fadhisay luul Cabi Aadan balse laga wareejiyay ayaa waxaa maanta loo doortay Maxamed Xasan Aadan kadib markii uu tanaasulay Maxamuud Axamed Xasan oo la tartami lahaa, waxaana uu helay codadka 101 Ergo.

Kursiga labaad ee H0p#219 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Cabdifitaax Maxamed Cali ayaa waxa loo doortay Roodo Carab Cabdi oo heshay codod gaaraya 78 Cod halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartamaysay ay heshay 20 cod, waxaana xumaaday 3 cod ay sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Munaasabad lagu soo geba-gabeeynayay doorashada kuraasta taalla magaalada Kismaayo ayaa waxa ka qeyb galay masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo xubnaha guddigiyada FEIT iyo Guddiga Xalinta khilaafaadka heer Faderaal.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa weli caqabad ka heysataa doorasahda 16 kursi ee taalla degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo, kuwaas oo ay isku hayaan Villa Somalia iyo Maamulka Jubbaland.