Yaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Galmudug?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulankii ugu horeeyay ay yeesheen Xubnaha Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleedka ee Galmudug ayee waxaa ay ku doorteen guddoonka golahaasi.

Guddiga ayaa guddoomiye udoortay xildhibaan Cabdi Wahaab Maxamed Axmed, halka guddoomiye ku xigeen loo doortay Xildhibaan Cabdi Rixiin Axmed Cigaal.

Sidookale waxaa dhankiisa Xildhibaan yaasiin Maxamed Cabdiraxman isna loo doortay xoghayaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Galmudug.

Talaabadaani ayaa noqoneesa mid lagu dardar galinayo doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya maadama uu shalay R/Wasaare Rooble faray dowlad goboleedyada dhiman in ay soo gudbiyaan xubnaha aqalka sare islamarkaana ay qabtaan doorashada si deg deg ah.