Yaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Hirshabeelle?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddigaas doorashada Axmed Xasan Diini.

Xubnaha Guddiga doorashada Maamulka oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddigaas u doortay Maxamed Xasan Maxamed Waadi oo uu saakay magacaabay Guudlaawe.

Guddoomiye Waadi ayaa laga sugayaa inuu hoggaamiyo Guddiga doorashada, isla markaana la dhammeystiro doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan Hirshabeelle, kuwaasi oo kala yaalla Baladweyne iyo Jowhar.