Yaa masuul ka ah dhibaatada ka dhalata Agaasimiyaasha la kala magacaabay ee NISA.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta taliska guud.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale Habeen hore waxaa uu magacaabay agaasimaha kumeel gaarka ah ee NISA Bashiir Goobe.

Qoraal maanta lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Yaasiin uu si rasmi ah xilka ula wareegay, isaga oo la faray inuu guto waajibaadka shaqo ee igmaday, taas micnaheeda in aan la aqoonsaneyn agaasimihii uu magacaabay ROOBLE.

Dhanka kale xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Habar Khadiijo ayaa haatan laga dareemayaa xiisad xoogan iyo sidoo kale dhaqaqaaq ciidan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Sidoo kale waxaa maanta ay ku beegan-tahay waqtigii uu ra’iisul wasaaraha u qabtay Fahad Yaasiin, si uu xilka usoo wareejiyo, loona guda-galo baarista kiiska Ikraan Tahliil.

Markasta waxaa la filinkaraa isku dhac ciidan oo ka dhaca xaruunta Nabadsugida ee demada shibis. Hadaba yaa masuuliyada qaadaya ma Farmaajo ama Rooble?