Yaa soo agaasimay qorshaha lagu kala jebiyay kooxda Jeneraal Xuud?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay qorshe ay u dhigtay ururkii Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaaminayey Jeneraal Abuukar Warsame Xuud, taas oo loo adeegsaday saaxiibkiis Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana markii uu Muqdisho yimid uu sheegay inuu caasimadda u tegay arrimo qaran, islamarkaana uu wadahadal la geli doono Madaxda Dowladda, isagoo caddeeyay inaysan waxba iska bedelin mowqifkoodii HirShabeelle.

Intii Jeneraal Xuud iyo kooxdiisa Xamar joogeen wauxuu Farmaajo magaalada Beledweyne u diray Boqolaal ciidamo isugu jira Gorgor iyo Haramcad, balse Jeneraal Xuud uu ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxayna ugu dambeyn ciidamadaasi la wareegeen magaalada Beledweyne oo ay si awood ah ugu danbeyn ku geeyeen Cali Guudlaawe Xuseen maanta 6 Febraayo, 2022.

Waxaa shaki soo kala dhex galay kooxdii kacdoonka Hiiraan oo qaarkood iska fogeeyay qorshaha uu Jeneraal Xuud u joogo Muqdisho, waxaana soo baxay xog sheegeysa inuu Jeneraal Xuud iyo xubnaha la socda ay Madaxtooyada Soomaaliya ka heleen lacag ku dhow 100-kun Dollar, lacagtaas oo la sheegay inay khilaaf ka dhex dhalisay dhexdooda.

Jeneraal Xuud wuxuu illaa shalay ku taagnaa mowqifkiisii ahaa inuusan Madaxweynaha HirShabeelle tegi karin Beledweyne, wuxuuse qarsan inay ku dhacday khiyaamo ah in loo daba marayo magaaladii laga keenay, haddii la geynayo Cali Guudlaawe.

Qorshaha kooxda Farmaajo u dhigtay kooxdii Jeneraal Xuud waxay ahayd khiyaano looga dan lahaa in Beledweyne ay la waraageen ciidamada ka amar qaata Farmaajo, kadibna ay ka dhacdo doorasho ay ku soo baxaan xubnaha uu wato ee uu ugu horeeyo La-taliyihiisa Fahad Yaasiin.

Waxaa muuqata inuu inta badan hirgalay qorshaha lagu kala jebiyay kooxdii Jeneraal Xuud oo aan awoodin inay xitaa cambaareeyaan halka dhibaatadu uga timid ee ah Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maxamed Farmaajo.

Haddii sida loo qorsheeyay u dhacdo doorashada kuraasta taalla Beledweyne, waxaa halkaas ku hakanaya xal u raadinta khilaafka HirShabeelle oo markii horeba laga soo abaabulay Villa Somalia, waxayna arrintaasi ku xirnaan doontaa Madaxda dowladda soo socota.