Yuu Ahaa Ninka Hubeysnaa Ee Rasaas La Dhacay Shacab Banaanbax Dhigayay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin Muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in isagoo hubeysan oo dharcad ah ayaa haween iyo dhalinyaro dhigeysay banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo  waxaa uu la dhacay rasaas.

Dadkaan shacabka ah ayaa banaanbax kandhigaayey degmada Hodan gaar ahaan isgoyska Banaadir.

Ciidanka Ammanka ayaa sidoo kale xiray labo wariye oo ka tirsan goobjoog sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la beegsado shacab banaanbax dhigayay.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida waxay magaalada ku soo daayeen rag hubaysan oo dharcad ah oo jidka u taagan caburrinta shacabka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa kaloo uu sheegay “Ninkaan xabada ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay diidaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay”

Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysay ee banaanka timaada nin dharcad ah oo hubeysay la arko isagoo dad banaanbaxaya rasaas ku furo.

Magaalada Muqdisho mudooyinkii dambe waxaa ka dhacaayey banaanbax looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo, ayadoo.dadka banaanbaxa ay dalbanayaan in madaxweynaha uu qabto doorasho cadaalad ah.