Yuusuf Dabageed Oo Digniin Culus U Diray Jabhadda Janeraal Xuud

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si kulul uga hadlay xaaladaha kajira gobolka Hiiraan & Jabhadda Janeraal Xuud uu hoggaamiyo ee diidan qaabka lagu dhisay Hir-Shabeelle.

Yuusuf dabageed oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 77aad ee Ciidamada Booliska ayaa sheegay in Jabhadda Janeraal Xuud ee ku sugan Tuulada bur-qaniinyo ay ahaayeen kuwo xilal ka doontay hir-Shabeelle balse ka waayay.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle qof walba nasiibkiisa uu ka raadsaday hadii ay ka waayeen aysan jabhadeyn oo ay xilal kale ka doontaan dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa uga digay Jabhadda Janareel Xuud inay dagaal ka abuuraan gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in aysan ka baqeyn balse ay wax dhowrayaan.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Jabhadda Janeraal Xuud ay dhagax-dhigteen xero ay sheegeen in lagu tababaraayo Ciidamo, sidoo kalena dhawaan ay sheegeen in la dhisayo Maamul la Magac baxay Hiiraan State.