ZOG:-Waa kuma shakhsiga lagu bedalayo Wasiirka Maaliyada ee Cabdiraxmaan Beyle?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hoose oo soo bxaya ayaa sheegaya in la qorsheeyey sidii xukuumada cusub Wasiirka Maaliyada laga dhigo Cilmi Maxamed Nuur kasoo jeeda gobollada Waqooyi,ahna xubin katirsan Xisbiga UPD.

Shakhsigaan la filayo in Wasiir Beyle badelo ayaa la rumeysan yahay mid wax badan ka fahansan wasaaradaasi, wuxuu na shahaadada koobaad ka qaatay Jaamacad ku taalla Bakistaan, halka Shahaadada PHD uu ka diyaariyey jaamacad ku taala Dalka Sweden.

Sida la fahamsan yahay xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay Naas nuujin badan,marka la eego xilalka muhiimka ah sida looga safay iyo saameynta ay ku leedahay Dawladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladiisi hore waxaa lagu eedeeyey i nidaamka dowladeed uu ku koobay dad isaga u dhow, Soomaalida kalena dibad joog ka noqotay, hadane waxaa soo baxaya waxyaabihii lagu dhaliili jiray dowladii hore.