SOOOMAALIYA RAGGA IYO DUMARKA MIDKEE BADAN.

Warbixin sannadeedka loo yaqaanno ‘CIA World Factbook’ ee wakaaladda sirdoonka Maraykanku sannad kasta ku soo bandhigto, xogaha ay ka soo ururiso dhammaan dalalka dunida, waxa ay muujinaysaa in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka dunida ee ay dadkooda ragga iyo dumarka tiro ahaan aad isugu dhow yihiin, isla markaana da’ yarta u badan. Waxa ay sheegaysaa muwaadiniinta Soomaaliya, boqolkiiba 62.19 in ay da’doodu u dhexeyso 0 illaa 24 sanno. Halka dadka da’oodu u dhexeyso 25 illaa 64 ay yihiin boqolkiiba 35.54. Tirada dadka waaweyn oo sii yaraanaysa mar kasta oo da’du ay kor u sii kacdo, ayaa ay warbixintu muujinaysaa in 97.73 dadka Soomaaliya ay ka yar yihiin 65 sanno jir. Warbixintan oo lagu saleeyey sahamin ay 2020 kii CIA samaysay ayaa dhinaca kalana, muujinaysa, in tirada guud ee ragga iyo dumarka Soomaaliya ay aad isugu dhowdahay, laakiin mar kasta oo kor loo sii kaco ay badanayaan dumarka, taas oo macnaheedu yahay in raggu ay ka dhimasho badan yihiin. Tusaale ahaan da’da u dhexeysa 0 illaa 24 wiilasha ayaa tiro aad u yar ka badanaya Hablaha, laakiin marka la gaadho da’da u dhexeysa 25 illaa 54 dumarka ayaa badanaya, korna u sii soconaya. Sidaas ayaanay tirada dumarka u badnaanaysaa, in kasta oo uu farqigu hoos u dhacayo marka la dhaafo da’da 65 jirka. 1. CARRUURTA 0 – 14 Da’da u dhexeysa 0 illaa 14 jir waxa ay tirada guud ee dadka Soomaaliya ka yihiin boqolkiiba 42.38. Hablaha ayaana wiilasha ka badan qiyaas ah 4,923. 2. DA’ YARTA U DHEXEYSA 15 – 24 SANNO Boqolkiiba 19.81 ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliya ayaa ay da’doodu u dhexeysaa 15 illaa 24 jir. Da’dan marka la joogo Soomaalida wiilasha ayaa ka badan Hablaha, waxa aanay is dheer yihiin tiro yar oo ah 6,767 3. 25 ILLAA 54 JIRKA CIA xogteeda waxa ay ku sheegtay, da’dani in ay tirada guud ee muwaadiniinta Soomaaliya ka tahay boqolkiiba 30.93. Waxaana xusid gaar ah mudan, in da’dan ay tirada wiilasha iyo habluhu is weydaaranayso, iyada oo ay hoos u dhacaysa tirada wiilasha oo ay habluhu ka badanayaan qiyaas ah 139,735. 4. WAAYEELKA 65 JIR KA WEYN Warbixintu CIA World Factbook waxa ay sheegaysaa in dadka Soomaaliya ee da’dan ka weyni ay bulshada ka yihiin boqolkiiba 2.27 keliya. Ragguna ay dumarka ka yar yihiin qiyaas ah 55,055 .

 

W\Q CABDIRAXIIM ABUUKAR AXMED JIMCAALE.