Dagaal Culus oo Xalay Ka Qarxay Magaalada Marka iyo Qasaare Kadhashay.

Dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada dowladda soomaaliya xalay ka dhacay magaalo madaxda gobolka shabeelleda hoose ee Marko.

Dagaalkan ayaa  yimid kadib markii  isfahamwaa uu soo kala dhaxgalay ciidamo u abaabul sida maleeshiyo beeleed ah, hase yeeshee ka kala tirsan malitariga iyo Nabadsugida soomaaliya.

Dada Deegaanka ayaa sheegay in isku dhacaan  uu ka dhacay gudaha magaalada Marka, Islamarkaana uu cabsi ku abuurtay shacabka ku nool magaaalada.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday tiro dad ah oo dhinacyadii dagaalamayay katirsan, halka dad shacab ah uu wax ka soo gaaray dagaalka, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.