Wariye Cabduqaadir Faarax Dulyar oo Xalay Lagu Xiray Baladweyne iyo Xaalka Saaka ee Baladweyne.

Ciidamada Booliska Hirshabeelle ayaa xalay xalay Hoteel uu Baladweyne ka daganaa kala Baxay wariye cabduqaadir Faarax Dulyar oo Kamid ah wariyaasha calanka ah

Wariyaha oo Maalmihii u Danbeeyay howlo shaqo u joogay Magaalada Baladweyne ayeey xalay Xabsiga dhigeen Ciidanka Booliska Waxaana lasheegay in Amarka lagu Xiray Wariyaha Ay bixiyeen Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Hirshabeelle

Sababta loo Xiray wariyaha ayaa lagu Sheegay Kadib Markii uu shalay Wareysi gaar ah Duleedka Magaalada Baladweyne kula yeeshay Gen Abuukar Warsame xuud oo kasoo Horjeedo dhismaha Hirshabeelle.

Wariyaasha kahowlagalo Baladweyne ayaa si Xoogan u Cambaareeyay Xariga wariye Dulyar sidoo kale ururrada warbaahinta iyo wariyaal kale ayaa si Kulul u Cambaareeyay Xariga xalay lagula Kacay wariye dulyar

Dhanka kale Taageerayaasha Jabhada uu Hogaamiyo gen xuud oo Maleeshiyaad Hubeysan ku Heysta Duleedka Magaalada ayaa ka carootay xariga loo Geystay wariye Dulyar Maadaama loo Xiray sababtooda lamana oga waxa ay ugu falcelin Doonaan Arintan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan oo ku saasban xariga Weriye Dulyar, waxayna wararku sheegayaan inuu ka danbeeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle,