DEG DEG Weerar ismiidaamin ah oo Lala eegtay Saraakiil Ajanabi ah oo Qeyb Ka ahaa Kolonyo uu Hogaaminayay Gudoomiye Siidii.

Baledweyne Ayaamaha: Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gobolka Shabeellada Hoose lagula eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isagu jirta iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii.

Gaadiidkaas oo ka baxay degmada Afgooye, isla markaana ku sii jeeday dhanka saldhigga Ballidoogle ayaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tixsiile, waxaana lagu soo werinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, sida ay noo sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wafdigan ay la socdeen saraakiil cadaan ah, waxayna xubno ka mid ah kolonyada la qarxiyey ay sheegeen inay dhaawacmeen illaa afar sarkaal.

Sidoo kale ciidamo aan la shaacin tiradooda oo isugu jira Danab iyo kuwo cadaan ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, waxaana halkaas ku bas beelay gaarigii uu haleelay qaraxu.

Weli wax war ah kama soo baxin saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose