Abiy Axmed & Uhuru Kenyata Oo Xariga Ka Jaray Waddo Muhiim Ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa Maanta siwadajir ah xariga uga jaray Wadada laamiga ah Ee Mooyaale oo Isku xirta Labada Wadan ee Kenya & Itoobiya.

Wadadaan oo la sheegay in dhererkeeda uu yahay 500km ayaa loo maraa isku xirta Magaaloyinka  Mombasa & Nairobi  oo Kenya ah iyo Magaalada Addis Ababa oo Itoobiya ka tirsan.

Wadadan ayaa  waxaa lagu dhisay kharash dhan 6.3 Bilyan oo Birr oo ay ka qeyb qaadanayaan saddex Shirkado qandaraaslayaal ah, waxaana sidoo kale wadadaaan ay isku xireeysaa Addis Ababa iyo Qaahira, Gaborone, Cape Town iyo Mombassa, Kenya iyo sidoo kale Koonfurta Suudaan iyo dekedda Lamu ee Kenya.

Madashii Xariga lagaga Jarayay wadadan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin  kala duwan Oo labada  dowladood ah iyo Xubno kale, waxana ay fududeyneysaa arrimaha la xiriira socdaalka iyo kormeerka caafimaadka ee aagga xuduudaha.